Bishan July 13-dii ayey ahayd markii ay Dowladda Federalka Somalia u gudbiyeen Maxkamadda Calaamiga ee Caddaaladda “The International Court of Justice†ee ICJ dacwad ka dhan ah Dowladda Kenya, kuna aadan muranka milkiyadda xuduud-baddeedka Indian Ocean.
Sarkaal ka tirsan Maxkamadda ICJ ayaa u xaqiijiyey Wargeyska The Satr ee ka soo baxa Kenya inay Dowladda Somalia soo gudbisay Dukumentiyo ay ku sheeganayso Lahaanshaha xuduud-baddeedkaasi, isla markaana lagu kala baxo Sharciga Caalamiga.
Sarkaalka oo aan magaciisa la shaacinin kana tirsan Waaxda Warfaafinta ee Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ayaa sheegay inay Dowladda Somalia soo buuxisay gal-dacwadeedkeeda  xilligii kama dambeynta ee loo qabtay.
Dowladda Kenya ayaa la filayaa inay iyagana Dukumentiyadda ay ku sheeganayo milkiyadda xuduud-baddeedkaasi u gudbiyaan Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ugu dambeyn bisha May 27-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka.
Muran-baddeedka u dhexeeya Somalia iyo Kenya ayaa waxauu socday muddo 6-sanno ah, iyadoo  xuduud-baddeedkaasi cabirkiisu ka badan yahay 100-KM oo isku wareeg ah, kaasi oo la sheegay inaay ka buuxaan  Shidaalka iyo kheyraadka kale ee dabiiciga.