Wabiga Shabeelle oo sanadkii tegay ee la soo dhaafay fataad ku sameeyey deegaano iyo tuulooyin hoos yimaada Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa dadkii uu saameeyay webiga waxa ay baaq u direen Madaxda Dowlada iyo Hay’addaha Samafalka.
Guddoomiyaha Guddiga iskaashatada Beeraladeyda degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe Cismaan Shekh Mustaf ayaa sheegay in dadka ku dhaqan deegaano iyo tuulooyin hoos yimaada Balacd ay saameeyeen fatahaadihii dhawaan uu sameeyay Wabiga Shabeelle.
Sidoo kale Guddoomiye Cismaan Shekh Mustaf oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in tuulooyinka uu saameynta Wabiga Shabeelle ku reebay ay kamid yihiin Farbarako, Jameeco Buulo xaaj Cali ,Buulo barwaaqo bari iyo tuulooyin kale, kuwaasoo hoos yimaada degmada balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ugu dambeyn waxa uu baaq u diray Maamulka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, Dowlada Federaalka Soomaaliya,Hay’adaha Sama falka ah iyo kan Maamulka Hirshabeelle.
Hoos ka dhageyso Codka Guddoomiyaha Guddiga iskaashatada Beeraladeyda Degmada Balcad.