Hadal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Caalamka Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Kanada ayaa lagu sheegay inay ka war hayaan   in Muwaadin Kanadiyaan ah oo lagu magacaabo Guuleed C/xakiim ku xiran yahay dalka Kenya, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lahaa Weerarkii ay Al-Shabaab dhawaan ku qaadeen Hotelka Dusit D 2 ee magaalladda Nairobi.
Guuleed C/xakiim iyo afar Kenyan ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda Milimani ee magaalladda Nairobi, iyadoo ay Maxkamaddu amartay in muddo 30-maalmood sii xirnaadaan, inta ay Dembi-baarayaasha ka soo dhamaystirayaan Baaritaankooda.
Afhayeenka Waaxda Arrimaha Calaamka ee Kanada, Filib Hanan waxa uu sheegay inay Dowladda Kenya kala shaqeynayaan sidii uu Muwaadinka Kanadiyaanka u heli lahaa Xukun Caadil ah, wuxuuna intaasi ku daray inay Qunsulliyadda adeeg u fidinayso Qoyska C/Xakiim Guuleed.
Afhayenka waxa uu sheegay inuu Sharcigu ka mamnuucayo inuu Saxaafadda la wadaago faahfaahino kale.
Qoyska C/Xakiim Guuleed waxay u xaqiijiyeen Wargeyska Global News ee ka soo baxa Kanada in uu Guuleed C/xakiim haatan ku sugan yahay Kanya, balse aysan ka hadli karin xarigiisa.
Guuleed Xakiim oo 46-jir ah waxa uu haystaa dhalashadda Kanada, wuxuuna ka soo jeedaa magaalladda Edmonton ee Gobalka Ontario ee dalka Kanada.