Baraha Bulshada ayaa lagu faafiyay arrin la xiriirta Xildhibaan Muno Key oo sheegeysay in dagaal dhexmaray,iyada iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka la siyaasadeeyay ayaa faafinta Wararkaas waxaa digniin ka soo saaray Taliska Booliska Soomaaliyeed.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in Ummadda Soomaaliyeed looga digayo in Warar aan sal iyo raad midna laheyn lagu qoro Baraha Bulshada.
Waxa uu sheegay in cidii ay doonto ha ahaatee Warar aan jirin ku qorta Baraha Bulshada tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Baraha Bulshada  inta badan lagu qoro Wararka Siyaasadeed oo qaarkood lagu dhaliilayo Madaxda Dowladda Federaalka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Ciianka Booliska Soomaaliyeed.