Sarkaalkaasi ayaa la sheegay inuu geeriyooday, xilli uu doonayey inuu kala furfuro Miino la dhigay meel ku dhow Kaniisad ku taalla Bariga magaalladda Qaahira.
Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay inay miinadaasi ahayd mid ka mid ah labo miino oo lagu soo dhex qariyey Boorso oo la dhigay meel ku dhow Kaniisadda.
Qaraxaasi waxaa la sheegay inay ku dhawaacmeen 2 Askari iyo qof ku sugnaa halka ay miinadu ku qaraxday.
Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadada qaraxaasi.