Dabley hubeysan ayaa waxaa la sheegay in Caawa gudaha Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Qof Shacab ahaa.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay toogteen Qofka shacab ahaa xili uu ku sugnaa Xaafadda Xoosh ee Degmada Dharkeenleey,iyagoo durbo goobta ka baxsaday.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in ay gaareen Goobta uu dilka ka dhacay,iyagoo halkaasi ka qaaday meydka ruuxa la dilay.
Sidoo kale Ciidamada ayaa waxaa la soo sheegayaa in Caawa baaritaano ay ka wadaan Xaafadda Xoosh ee Degmada Dharkeenleey,kadib markii halkaasi lagu toogay qof shacab ahaa.
Magaalada Muqdisho aya waxaa ka dhaca mararka qaar dilal qorsheyan oo loo geysto Mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo dadka shacab ah ee ku nool Magaalada.