Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaw Xeray Saxafiyiin ku sugnaa Cisbitaalka Madiina oo Xalay la dhigay qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Weeraradii Hoteeladda Siyad iyo Wehliye.
Wariyeyaasha la xiray waxa u shaqeyaan Idaacadaha Kulmiye,Mustaqbal iyo Radio SKY FM sida ay ku soo warameyso Wariye ka tirsan Dalsan.
Saxafiyiinta ayaa u tagay Cusbitaalka iney u kuur galan Xaalada Caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay qaraxyada iyo Weeraradii Xalay Al Shabab ay ka geysteen Caasimada Muqdisho.