Nin Somali ah  ayaa waxa bishan December 13-dii lagu qabtay magaalladda Baari ee Koonfurta dalka Talyaaniga, kadib, markii ay Ciiddanka Khaaska ee La-dagaalanka Maafiyadda iyo Argagixisadda  e edalka Talyaaniga ee loo yaqaano DDA ka duubeen Cod Telefoon isagoo dad kale la hadlayey, kuna baaqayey in miinooyin lagu wada xiro Kaniisadaha ku yaalla dalkaasi.
Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA waxay galabta qortay in Ninka Soomaaliga laga duubay Codad ay ka mid ahaayeen  isagoo oranaya: “ Aan bambooyin ku beerno dhamaan Kaniisadaha ku yaalla Talyaaniga Hakee ayey u taalla Kaniisadda ugu weyn. Ma waxay ku taalla gudaha magaalladda Romeâ€.
Eedeysanaha oo 20-jir ah waxaa la qabtay bishan 13-dii, xilli uu doonayey inuu ka baxsado magaalladda Baari.
Eedeysanahaasi Soomaali oo aan magaciisa iyo muuqaalkiisa weli aan la soo bandhigin waxay Ciiddanka Khaaska ee Boliska magaalladda Baari (DIGOS Special Security Police) rumeysan yihiin inuu xiriir la leeyahay Kooxda Daacish-ta ku sugan Somalia, isla markaana uu la xiriiri jirey mid ka mid ah Unugyadda Hawlgalka ee Daacish.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA waxay qortay inay Ciiddanka Dembi-baarista Federalka Maraykanka ee FBI gacan ka geysteen Baaritaanka iyo dabagalka Ninka Soomaaliga ee ku eedeysan inuu qarxin lahaa Kaniisadda ugu weyn ee ku taalla caasimadda dalka Talyaaniga ee Rome iyo kuwo kale.
Xigasho:Â ansa.it
Â