Xarakadda Al Shabab ayaa siideysay Laba Sarkaal oo ka tirsan Booliska Dalka Kenya kuwaas oo laga qafaashay Gobolka Waqooy_Bari muddo imminka laga joogo 2 Sanno.
Saraakiisha la siidaayay waxa lagu Magacaabaa Joseph Wambugu iyo Fredrick Chirchir kuwaas oo imminka tagay Dalka Kenya sida uu warbaahinta u sheegay madaxa Booliska Kenya Joseph Boinnet.
Waxa lagu qabsaday Labadan Sarkaal Weerar lagu dilay Afar Sarkaal oo ka tirsanaa Booliska Kenya oo ak dhacay Degmadda Garissa bishii May 2013kii.
Al Shabab ayaa weeraro xoogan ka fulineysay Dalka Kenya tan iyo markii ay kenya Ciidamo u soo dirtay Soomaaliya 2012kii.