Senator Billow Keerow oo laga soo doorto Mandera ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Kenya inuu ku fashilmay Ammaanka, isla markaana loo baahan yahay inuu xilalka ka qaado Saraakiisha Ammaanka ee Mandera.
Hadalkaasi ayaa waxa uu ka sheegay kadib, markii ay 12 Xildhibaan oo laga soo doorto W/bari Kenya shalay yeesheen Kulan ay kaga hadleen weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku qaadeen Mandera, kuna dileen 14 shaqaale Kenyaan ahaa.
Senator Billow Keerow waxa uu dhaliilay qaabka uu Madaxweynaha Kenya u maaraynayo  Ammaanka, Waxbarashadda iyo Dhaqaalaha ee Kenya, wuxuuna ka digay inuu dhaqaalaha Kenya burburi doono.
“Waxaan dhowr jeer la kulany Madaxweyne Uhuru, una gudbinay qorshaha wax looga qaban karo xaalladda ammaanka, balse waa uu ku fashilmay inuu dhaqangeliyo talooyinkaasi†ayuu yiri Billow Keerow.
Wuxuuna intaasi ku daray inuusan Uhuru Kenyatta marnaba booqanin dadka ku nool W/bari oo iyagu codkooda ku taageeray doorashadiisa.
Billow Keerow waxa uu tilmaamay inaysan sharciyad yeelan karin Dowladda ku fashilanta inay dadkeeda badbaadiso.
Dhinaca kale, War Saxaafadeed ay soo saareen 12 Xildhibaan Somali-Kenyaan ah ayaa cambaareeyey weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka geysteen Tuullo hoos tagta Mandera, waxayna ugu baaqeen Dowladda Kenya in ciiddamo dheeraad ah la geeyo Mandera.