Humaag iyo Faham lagu jahwareersan yahay ayaa laga qaaday hadalladda is-burinayo ee ay Dowladdaha Somalia iyo Kenya kaga hadlaan Qaddiyadda muranka xuduud-baddeedka, kaasi oo soo bilwoday sannadkii 2012-kii.
Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia oo isbuucii hore ka hadlay Barlamaanka Federalka ayaa sheegay inaysan waxba iska beddelin mowqifka ku aadan in Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka “The international Court of Justice oo ku taalla magaalladda The Hague ee dalka Netherlands.
Madaxweynaha waxa uu tilmaamay in lagu kala bixi doono Sharciga, wuxuuna hoosta ka xariiqay mowfiqka cad ee Dowladda Soamlia ee ku aadan muradnak xuduud-baddeedka Kenya.
“Waxaa nala saaray cadaadis iyo baqdin si aan u aamusno, laakin, Mowqifkeenna waa cad yahay†ayuu yiri Madaxweynaha oo qiray in lagu fashilmay in heshiis laga gaaro murankaasi.
Qoraal kale oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somalia ayaa lagu muujiyey inay ka go’an tahay gal-dacwadeedkii ay Somalai buuxisay sannadkii 2013-kii ee ku aadanaa in muranka xuduudaha Badda lagu kala baxo Maxkamadda The Hague, iyadoo la cuskanayo jadwalka shaqo ee Heshiiskii QM ee Sharciga Baddaha “ The UN Convention on the Law of the Seaâ€.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  ee Xukuumadda Federalka Somalia, Maxamed Cabi Xayir “Maareeyeâ€Â waxa uu  maanta ka shanqariyey inay Maxkamadda Calaamiga ee Garsoorka ee ICJ dhegeysan doonto dacwadda muranka xuduud-baddeedka Somalia iyo Kenya.
Waxa uu tilmaamay inay bishan July 13-da Dukumentiyadda caddaynayo inay Somalia leedahay xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay u gudbin doonaan Maxkamadda ICJ, wuxuuna intaasi ku daray inay Maxkamadda ICJ dacwadda dhegeysan doonaan bisha March ee sannadka soo socda.
Maareeye oo Saxafadda la hadlay wax yar kadib, markii uu Shirkii Golaha Wasiiradda maanta la soo xiray, wuxuuna tilmaamay inay warbixin ka dhegeysteen Labo Garyaqaan oo Soomaali ah oo ay Dowladda Federalka u idmatay inay u matalaan dhegeysiga Dacwaddaasi.
Khilaafka muran-baddeedka oo ay Dowladda Kenya doonaysay in miiska hoostiisa lagu xaliyo ayeysan u suurtoobin, kadib, markii ay Waddaniyiinta Soomaalida qeylo-dhaan ka keeneen Heshiiskii Isfahamka  (Memorandum of Understanding) ama UoM ee ay Dowladda Kenya iyo Dowladdii KMG Somalia kala saxiixdeen, iyadoo Heshiiskaasi u hibeyn lahaa Kenya xuduud-baddeed masaafadiisu dhan tahay 64,000 KM oo isku wareeg ah.
Khilaafka Siyaasadda ee Dowladdaha Somalia iyo Kenya ayaa gaartay figta sare, waxayna Dowladda Somalia si xooggan uga carootay qorshaha ay Dowladda Kenya derbi dheer kaga dhisayso xuduudka ay labada dal wadaagaan.
Waxay Dowladda Kenya culayska saartay in xagal qaloocan loo cabiro xuduud-baddeedka lagu muransan yahay, iyadoo Dowladda Federalka ee Somalia doonayso in cabirka si toos ah loogu saleeyo xuduudka dhulka ee u dhexeeya labada waddan.
Is-faham la’aantaasi ayaana keentay inay Dowladda Somalia kiiska u gudbiso Maxkamadda ICJ, waxaana ayaan-darro ah inay Dowladda Kenya weli hawlo sahmin ah ka wadaan xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuusan hagaagi doonin xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada dal inta ay Kenyanka wadaan Ilhaanaysiga ay ku hayaan Qaranimadda Somalia, waxaana xadgudub culayskiisa leh ah derbiga dheer ee ay Dowladda Kenya ka dhisayso xuduudka Somalia, oo ay sheegeen inay ugu tala galeen inay kaga hortagaan Dagaalamayaasha Alshabaab oo khalkhal ku haya ammaanka guud ee dalkaasi.
Sababaha ay Kenya u dedejinayaan derbigaasi oo dhererkiisu dhan yahay  700 KM ayaa waxa ka dambaysa ujeedo dahsoon, waxayna doonaysaa inay si xatooyo ah dhulka Somalia ugu darsadaan dhulkooda, iyagoo horey u xalaalaystay Gobalka NFD ee ay ula baxeen W/bari  Kenya.
© Radio Dalsan