Labo Arday Jamaacdeed oo mid ka mid ah uu dhalay Sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Kenya ayaa la rumeysan inay ka tageen waxbarashadooda, kuna biireen Alshabaab.
Mohamoud Yaasiin Ahmed oo sannadka labaad cilmiga Sayniska ka baranayey Jaamacadda The University of Nairobi iyo Mohamed Abdisamad oo wax ka dhigan jirey Maacadda Moi University ayaa la sheegay in la waayey tan iyo bishii April 21-dii ee sannadkan.
Mohamoud Yaasiin Axmed ayaa la sheegay inuu aabihiisa, Dr, Yaasiin Ahmed yahay Agaasimaha Matxafyadda Kenya (The National Museums of Kenya).
Dr. Yaasiin Ahmed ayaa noqday Sarkaalkii ugu darajada sarreeyo Dowladda Kenya oo wiilkiisa ku biiray Alshabaab.
Labada Arday ayaa la sheegay inay iibsadeen Laptop-yadooda, kadibna ay Jaamacadda ka tageen iyagoo Imtixaanaadka loo fadhiyo.
Qoysaska labadaa Arday ayaa la sheegay inay boliska ku wargeliyeen in la la’ yahay, lagana cabsi qabo inay u gudbeen gudaha dalka Somalia.
Dr. Yaasiin Ahmed ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrinkaasi, isagoo sheegay inay Boliska haatan wadaan baaritaano, loona baahan yahay in laga war dhowro.
Ilo dhinaca Boliska Kenya ayaa sheegay inay jiraan 11 arday oo wax ka dhigan jirtay Jamaacadaha Mount Kenya University, Moi University iyo Kenyatta University  ay ku biireen Dagaalamayaasha Alshabaab.
Arrintan ayaa imaanayso, iyadoo Agaasimaha Xarunta Kenya ugu qaabilsan La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda (NTTC), Isaac Ochieng dhawaan sheegay inay jiraan Arday wax ka barta Jamaacadaha oo mushaaraad ka qaata Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Kooxda Daacish, waa sida uu hadalka u yiri.
Isagoo Isniintii hore ka hadlayey Jamaacadda The University of Nairobi ayaa waxa uu tilmaamay inay hayaan macluumaad la xiriira Ardayda dhigata Jaamacadda The University of Nairobi inay mushaar joogto ah ka qaataan Alshabaab.
© Radio Dalsan