Axmed Maxamuud Baasto oo dhawaan Xildhibaanada Galmudug qeybta ku sugan Magalada Cadaado ay u doorteen Madaxweynaha Galmudug ayaa Maanta ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada.
Wasiirada uu ku dhawaaqay oo ka kooban 11 Wasiir ayaa waxaa ka dhex muuqda wasiiro ugu Caansan deegaanada Galmudug,kuwaas oo dhowr mar xilal soo qabtay.
Magacaabista kadib oo uu Warbaahinta la hadlay ayu sheegay in Magacaabistaan uu wadatashi kala sameeyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey, Aqoonyanahada iyo Odayaasha Dhaqanka ee Maamulka Galmuudg
Waxa uu sheegay in Xubnahaan Golaha Wasiirada ee uu Maanta Magacaabay ay yihiin qeybta koobad ee Golihiisa wasiirada,isla markaana uu rajeynayo inay waajibaadkooda gudan doonaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Garabka Magalada Cadaaado.