Shirkii Khamiislaha ee Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Shirkii Golaha Iskaashiga ee Magalada Garoowe todobaadkan ku soo gaba gaboobay.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas,waxana looga hadlay Arrimaha Amniga, taageerida qodobadii ka soo baxay shirkii Garoowe iyo qodobo kale.
Golaha Wasiirada Puntland ayaa wax ay sheegeen in ay taagersan yihiin Go’aanadii ka soo baxya Shirkii Golaha Iskaashiga uga qabsoomay Magalada Garoowe.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Shirka Golaha Wasiirada Puntland.