Wasiirka Arrimaha gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery oo shir jaraa’id ku qabtay Nairobi ayaa faahfaahin ka bixiyey xaalladda Ammaanka Kenya, wuxuuna sheegay inay gacanta ku dhigeen 57 qof oo ay ku jiraan 48 qof oo shisheeye ah oo laga soo qabtay Garissa, Mandera iyo Wajeer.
Waxa uu sheegay in Eedeysanayaasha la qabtay uu ka mid yahay nin sheegtay inuu yahay British, kuna dhashay Somalia, isla markaana uu Deganaasho ka helay dalka Britain sannadkii 2000, uuna deggan yahay magaalladda London.
“Waxa uu sheegtay inuu deganaansho ka helay London sannadkii 2000, kana shaqeeyo Harrods Department Store†ayuu yiri Joseph Nkaissery, oo intaasi ku daray inay Ninkaasi haysanin wax Baasaboor ama Dukumentiyo kale.
Eedeysanaha ayaa u sheegay Boliska Kenya inuu cinwaankiisa yahay:  27 Rufford Tower, Lexeden in Londonâ€
Dhinaca kale, Hay’addaha Ammaanka Kenya waxay sheegeen inay Labo nin oo u dhalatay dalka Tanzania ku qabteen Deegaanka Isibaniya oo ku taalla xuduudka ay wadaagaan Kenya iyo Tanzania.
Xigasho:- Daily NationÂ