Askari ay Ciidamada Amniga Maanta soo qabteen ayaa shalay duhurkii waxa uu agagaarka Isbitaalka Rajab Dayib Urdugaan Ex-Digfeer ku dilay Gabar ka mid aheyd Ardayda Dugsiga Hoyga Xamar.
Deeqo Daahir Faarax ayaa xilliga la dilayey waxa ay saarneyd Gaari Bas ah oo uu leeyahay Dugsiga Hoyga Xamar,waxana rasaas ku furay askari ilaalo u ah Gen,Sheegow oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowladda.
Warar ay heshay Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamda amniga ay ku guuleysteen in Gacanta lagu soo dhigo askarigaas iyo laba kale oo la socotay xilli falka uu dhacayey,sida ay sheegeen laamaha amniga Soomaaliya.
Inta aan la qaban kahor ayaa waxaa saakay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga lagu xiray Gen,Sheegow oo uu ilaaladiisa ka mid ahaa,kaas oo suurtageliyey in askarigii labada kale la soo xiro.
Allaha u naxariistee Deeqo Daahir Faarax oo ku jirtay Da’da 9 jirka ayaa waxaa Maanta lagu aasat Khabuuro ku yaalla degmada Deeyniile ee Gobolka Banaadir.
Hoos Ka Daawo Muuqaalka Warbixin ku saabsan Aaska Marxuumad Duuqa iyo Wariye Munasar Maxamed.