Saacadihii la soo dhaafay waxaa dagaal beeledyo ay ka dhaceen deegaanka dhumay oo hoostaga Magalada laas-canood ee Xarunta gobolka Sool,kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalkii u dambeeyey ee shalay dhexmaray labadaasi beelood ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen tobaneeyo ruux in kabadan ay ku dhaawacmeen,waxaana ka hadlay Maamulka Soomaaliland.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Soomaaliland Cabdi Kariin Maxamed Kaahin ayaa sheegay in wax laga xumaado uu yahay dagaalkaas oo sababay dhimashada dad badan oo aan waxba galabsan.
Waxa uu sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid soo laab laabtay,isla markaana dhowr mar xal laga gaaray,juhdi badana la geliyey balse ay nasiibdarro tahay in uu mar kale soo laba kacleeyo.
Ugu dambeyn waxgaradka deegaanka Dhumay iyo maleeshiyaadka dagaalamaya ayuu ugu baaqay in dagaalka si deg deg ah loo joojiyo.
Wararkii ugu dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya deegaanadii lagu dagaalamay in ay gaareen Ciidamo ka tirsan Soomaaliland kuwaas oo kala dhex galay maleeshiyaadkii dagaalamay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Arrimaha Gudaha Amniga ee Soomaaliland.