Xubnaha ugu sareeya Jabhada hubeysan ee ONLF ayaa la filayaa in dhawaan ay soo gaaraan Magalada Muqdisho kadib markii ay casuumaad ka heleen Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shalay ayaa waxaa Asmara ku kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Guud ee ONLF Maxamed Cumar Cismaan ,iyaga oo ka wada hadlay sidii xal looga gaari lahaa mad madowgii soo kala dhex galay.
Xildhibaan Sakariya Xaaji Cabdi oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya kuna sugan Magalada Asmara ayaa xaqiijiyey in Madaxda ugu sareysa ONLF ay imaanayaan Muqdisho,waxaana uu sheegay in ay wadahadalo la yeelan doonaan Madaxda ugu sareysa dalka.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in kulankii labaad ee Asmara ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Guud ee ONLF uu is-afgarad uu ku dhamaaday,isla markaan ay timid in dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ku casuunto Madaxda ugu sareysa ONLF.