War ka soo baxay Taliska ciidamada Militariga Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen weerar lala beegsaday Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Weerarkan xagga cirka ah oo laga fuliyay meel qayaas ahaan 46-KM dhanka Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Kismaayo ayaa Mareykanka sheegey in lagu dilay labo kamid ah Al-Shabaab.
Mareykanka ma uusan sheegin shaqsiyaadka la bartilmaameedsaday iyo dadka la dilay,waxaana lagu soo koobay warkooda in 2 kamid ah Shabaab in lagu dilay duqeyntaasi ay ka fuliyeen duleedka Kismaayo.
Dowladda Mareykanka ayaa sii kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah ee uu ka fuliso gobolada dalka qaarkood,iyagoo kaashanaya ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.