Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada dalka ka jira ayaa shaaciyey in Bisha soo socota ay kulan deg deg ah isugu imaan doonaan kaas oo lagu qabanayo Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
War qoraal ah oo ay goluhu soo saareen kuna saxiixnaa Guddoomiyaha Golaha Iskaashaiga Dowlad Goboleedyada Cabduweli Maxamed Cali Gaas ahna Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lagu marti qaaday in ay ka qeyb galaan Madaxda Afarta kale ee dowlad goboleed sida,HirShabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug.
Shirkaas ayaa waxaa la iclaamiyey in uu dhaco 3-da Bisha soo socota ee September,iyada oo looga tashan doono ayaha Dowlad Goboleedyada iyo midka Qaranka,isla markaana ay soo diyaarin doonaan Xogheynta Golaha.
Shirkan ay yeelan doonaan Golaha Iskashiga Dowlad goboleedyada ayaa ah kii saddexaad,iyada oo xilligaan ay Madaxda Dowlad Goboleedyada wajahayaan doorashooyin ku fool leh maadaama ay dhamaaday qaarkood waqtiga xilhyntooda.
Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeed ay soo saareen Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada.