Xildhibaan Cabduqaadir  Maxamuud Gaafow ayaa Guddiga doorashooyinka waxa uu u gudbiyey in uu iska casilay xubinimadii Golaha Shacabka Soomaaliya ee uu ka mid ahaa.
Cabdullaahi Gaafow ayaa Sanadkii 2016 lagu doortay Magalada Cadaado balse muran ka dhashay,waxaa doorasho ku celis aheyd lagu qabtay Magalada Muqdisho bilaawgii Sanadkii 2017,isla markaana mar kale uu ku guuleystay.
Guddiga doorashooyinka Qaranka sicad uma shaacin sababta ka dambeysa in uu Xubinimadii Golaha Shacabka uu iska casilo Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud oo la dhashay taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud,balse waxaa la sheegay in uu si iskiis ah isaga tegay xilkaas.
Guddiga doorashooyinka ayaa is casilaada kadib waxa uu ku dhawaaqay in dhawaan la qaban doono doorashada saddex kursi oo ka banaan Golaha Shacabka,iyada oo musharixiinta laga dalbaday in mudo todobaad ah ay isasoo-diiwaangeliyaan.