War ka soo baxay Dowladda Qatar ayaa waxaa dowladda Sacuudiga lagu eedeeyey in muwaadiniinta Reer Qatar ka mamnuucday in ay sanadkaan 2018 ka mid noqdaan dadka Xajiya.
Dowladda Sacuudiga ayaa Qatar u ogolaatay in 1,200 xujey ah oo sanadkan xaadiraan,laakin dowladda Qatar ayaa ku andacootay in aysan macquul aheyn in Sacuudiga uu soo kobo dadka ka qeyb galaya Xajka oo ah mid Diini ah.
Sidoo kale Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Muwaadiniinta Qatar ee Xajka u taga dalkaas loo diiday in ay u kala goosahan Magaalooyinka dalkaas.
Dowladaha Sacuudiga Masar Bahreyn iyo Imaaraadka ayaa Bishii June ee Sanadkii hore ee 2017 nwaxa ay ku dhawaaqeen in ay xiriirka u jareen dowladda Qatar,kadib markii uu fashilmay weerar la doonayey inlagu qaado maamulka Magalada Dooxa
Bishii June ayaa wasaarada Xajka sacuudiga waxay ku dhawaaqday in ay Furtay website ay iska diiwaan galiyaan xujeyda dalkaas waxaana Arintaan mid aan suura gal aheyn ku tilmaamay mas,uuliyiinra Qatar.
Abdullah al-Kaabi oo u uloleeya xuquuqda aadanaha ayaa waxaa uu sheegay in dowlada sacuudiga ay albaabada isugu dhufatay shirkadihii ka shaqeyn Jiray Xajka ee dalka Qatar.