Barqanimadii Maanta oo Jimce ah ayaa Kooxo hubeysan wax ay weerar ku qaadeen gaari nooca Soomaalida u taqaano Homeyda kaas oo ku socdaalayey inta u dhaxeysa Magaalooyinka Ceelwaaq iyo Mandera oo ka tirsan gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.
Weerarkaas ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku dhaawacmeen Saddex ruux oo ka mid ahaa rakaabkii saarnaaagariga ,sida ay baahisay Warbaahinta ka howlgasha Gudaha dalka Kenya.
Gaariga la weeraray ayaa marayey agagaarka deegaan lagu Magacaabo wargaduud,waxaana dadkii ku dhaawacmay rasaasta ay ku fureen Kooxaha hubeysan iminka lagu dabiibayaa Isbitaalka guud ee Magalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Lama oga sababta ka dambeysay in la rasaaseeyo gaarigaas,iyada oo saraakiisha laamaha amniga Kenya ay sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aadan kooxdii ka dambeysay weerarka gaariga Homeyda ah ee ka dhacay deegaan u dhow Magalada Mandera.
Saraakiisha ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in werarkaan uu yahay midkii saddexaad ee dhaca mudo 10cisho gudahood ah,isla markaana ay xoojin doonaan baaritaanada iyo adkeynta dhanka Amniga,mana jirto cid weli sheegatay mas’uuliyada weerarkaas.