Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta wax ay kulan ku yeesheen Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal,waxa ay uga hadleen doorashada ku soo fool leh maamulkaas,maadaama waqtigiisa xilheynta uu  dhamaaday madaxweyne Cabduweli maxamed Cali Gaas.
Xildhibaanada ayaa waxa ay Go’aamiyeen xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Puntland,iyaga oo isku raacay in Doorashada Puntland ay dhacdo 8-da January ee Sanada 2019-ka.
Sidoo kale kulankooda ayaa waxa ay ku shaaciyeen in Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland la kala diri doono  31 Decembar ee 2018 ee Sanadkan 2018,si loo bilaabo soo xulitaanka Baarlamaan Cusub oo uu yeesho Maamulka Puntland.
Go’aanka Baarlamanka Puntland uu Maanta ka gaarey arrimaha doorashada ayaa waxa uu noqonayaa mid meesha ka saara hadal heyn badan oo ku aadaneyd in Madaxweyne Cabduweli Gaas uu doonayo mudo kororsi.