Magalada Kuala Lumpur ee dalka Malesia waxaa kulan ku yeeshay Ardayda Soomaaliyeed ee waxka barata dalkaas iyo madaxda Safaarada Soomaaliya ee Maleysia kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah.
Kulankaas oo ahaa mid xog wareysi ah ayaa ah mid Saddexdii bilood mar la qabto kaas oo lagula socdo qaabka ay wax u bartaan Ardayda iyo sidii loga warqabi lahaa.
Guddoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee waxka barata dalka Malesia Maxamed Cabdiraxmaan Ismaaciil(Timoos) oo Wareysi siiyey Radio Dalsan ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey waxyaabahihii ay ka wada hadleen.
Waxa uu sheegay in kulankuu uu ahaa mid Madaxda Safaarada ay ku ogaaneysay waxbarashada Ardayda waxka barata dalka Malesia,isla markaana kulankooda la isugu soo hadal qaaday,sidii ardayda loogu fududeyn lahaa waxyaabaha ay uga baahdaan dalkaas.
Waxaa wax laga weeydiiyey Warar ay Warbaahinada qaarkood ay qoreen oo ahaa in khilaaf uu soo kala dhexgalay Safaarada iyo Guddiga Ardayda ayuu sheegay in warkaas ay baahiyeen dad warxumo tashiil ah,isla markaana aysan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya.
Wareysiga oo dhinacyo badan uu uga hadlay Hoos Ka Dhageyso.