Wafdi ka socday Dowladda Ingiriiska ayaa shalay gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyadoona madaxda Maamulka Koonfur Galbeed kala hadlay arrimaha doorashooyinka ku soo fool leh maamulkaas.
Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Amniga, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) oo kulan la qaatay ayaa sheegay in labada dhinac ay isku-afgarteen sidii Koonfur Galbeed uga dhici laheyd doorasho cadaalad ah.
Wafdiga Dowladda Ingiriiska ayaa waxay dhankoodu ballanqaadeen inay Koonfur Galbeed kala shaqayn doonaan kala guurka iyo qabsoomidda doorashada lagu wado in lagu soo doorto Madaxweynaha xigga ee Koonfur Galbeed.
Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa waxaa xilligaan ka socda diyaar garow ku aadan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxaana madaxda maamulkaas ay sheegeen in cidkasta oo dooneysa in ay ka qeyb gasho doorashada ay soo dhaweynayaan.