Waxaa Caawa Munaasabad Kooban oo lagu daah furayay shaqada dekadda xiliga habeenkii ah lagu qabtay Gudaha dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.
Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ah Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka ayaa ka qeyb galay Munaasabada lagu  daahfurayay shaqada cusub ee dekadda xilliga habeenkii ah ee lagu soo soo kordhiyay,waxaana uu sheegay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka in wixii xiligaan ka dambeya ay dekadda weyn ee Muqdisho shaqeeyn doonto xili habeenka ah oo shacabka Soomaaliyeed loogu Shaqeyn doono.
Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in aysan shaqeyn mudaddii uu dalka Soomaaliya uu ku jiay bur burka.