Booliska Kenya ayaa markii ugu horreysay waxa ay shaaciyeen in lagu wareejiyey Geel loo tababaray ka qeyb qaashada sugida amniga kaas oo ay adeegsan doonaan ciidamada ilaalada sohdimaha ay ku muransan yihiin Booranta iyo Soomaalida ee gudaha Kenya iyo ka hortaga weerada Al-Shabaab.
Saraakiil u hadashay booliska Kenya ayaa waxa ay sheegeen in 50 Neef oo Geel ah ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga deegaano ka mid ah gobolka Waqooyi bari Kenya.
Sidoo kale waxaa la sheegay in gaadiidka Cusub ee Geela loo adeegsan doono ka hortaga weerarada Gobolka Waqooyi bari ka geystaan Kenya iyo dagaalada dhexmara booranta iyo Soomaalida,isla markaana ay marwalba sameyn doonaan roondooyin iyo kormeer joogta ah.
Qaraxyada lala beegsado gawaarida ay wataan booliska kenya ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 70 ka tirsanaa saraakiisha booliska Kenya tan ayaana yareyn karta in saraakiisha booliska ay ku waxyeeloobaan qaraxyada,sida aya laamaha amniga kenya sheegeen.
Qorshaha Geela loogu tababaray sugida amniga ayaa waxaa dowladda Kenya ay ka keentay dalalka India, Australia iyo New Zealand oo si aad ah looga isticmaalo.
Sikastaba ha ahaatee Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ayaa waxaa mar walba weeraro jidgal iyo mid toos ah ka fuliya dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.