Axid Tamiimi oo u dhalatay Falastiin waxay noqotay Geesi, kadib, markii ay bishii December ee sannadkii hore ay dharbaaxday Askar Yuhuudi ah, taasi oo ay ku muteysatay Xabsi 8 bilood ah.
Gabadhaasi oo 17-jir ah waxaa Axaddii hore laga soo daayey Xabsi ku yaalla Yuhuudda, iyadoo soo dhamaysatay Xabsigii lagu xukumay.
Muuqaalkii Video-ga ee laga duubay markii ay Gabadhaasi feer iyo laad kula kacday Askar Yuhuud ayaa waxa uu dareen xooggan ku abuuray dhamaan dadkii daawaday Muuqaalkaasi.
Gabadhaasi oo la hadashay dad isugu soo baxay bannaanka gurigooda waxay sheegtay inay sii wadi doonto Waxbarashadeeda Jaamacadda, isla markaana ay baran doonto Sharciga, si aan u noqdo Qareen u dooda Maxaabiista Falastiiniyiinta ee weli ku xiran Xabsiyadda Yuhuudda.
Gabadhaasi waxaa shalay si diiran loogu soo dhaweeyey Tuulladda Nabi Salaax ee Daanta Galbeed ee dhulka Reer Falastiin waxay sheegtay inay doonayso inay Qareen noqoto, si ay u sii ambaqaado Halganka ka dhanka ah
Sidoo kale, Madaxweynaha Maamulka Reer Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasim waxa uu shalay Xafiiskiisa kula kulmay Axid Tamiimi iyo Hooyadeeda.
Waxa uu ku tilmaamay inay tahay Tuusalaha Wax-iska-caabinta Nabadeed ee Falastiin, wuxuuna intaasi ku daray in ay Caalamka u xaqiijisay halganka Reer Falastiin ee ay ku doonayaan Dhulalkooda L-ahaysto.
Waxay sheegtay inay wax badan ka soo baratay Xabsiga Yuhuudda ee loo xiray iyadoo 16-jir ah.