Caasimadda dalka Serbiya ee Belrade waxaa lagu dilay Qareen caan ka ahaa dalkaasi, oo lagu magacaabi jirey  Dragoslav Ognjanovic.
Qareenka oo 57 jir ahaa waxa uu horey u difaacay Dagaal-oogihii hore ee Islobadan Milosofij, kaasi oo xasuuq u geystay dadka Muslimiinta ee ku noolaa dalkii la oran jirey Yogoslavia.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Serbiya ayaa xaqiijisay dilka Qareenka, oo ay dabley hubeyan ku toogteen, xilli uu taagnaa gurigiisa, iyadoo Wiilkiisa oo 26-jir ah laga dhaawacay Gacanta Midig.
Qareenka la dilay waxa uu bilowgii sannadihii 2000-aadkii ka mid ahaa Koox Sharci-yaqaano ah oo difaacaysay Dagaal-oogihii Islobadan Milosofij oo sannadkii 2006-kii ku geeriyooday Xabsi dadka lagu hayo oo ku dhex yaalla Xarunta Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda oo ku taalla magaalladda Hayg ee dalka Holland.