Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa ku baaqday in Shir degdeg ah laga yeesho Qaxootiga ku soo qulqulayo, kuna dhibaataysan dalka Giriigga ee ay mashaqada dhaqaale-xumo haysato.
Afhayeenka UNHCR, William Spindler ayaa Suxufiyiinta ugu sheegay magaalladda Geneva  in Qaxootiga soo gaara Jesiiradaha Waqooyiga Ajen iyo Dodekanes la kulmaan xaallado aad u xun, isla markaana aysan jirin goobo lagu soo dhaweeyo.
Waxa uu tilmaamay inay si gaar ah uga walaacsan yihiin qaxootiga da’da, kuwa xaamilladda ah, kuwa naafadda iyo carruurta aysan Waalidkooda la soconin.
Afhayeenka waxa uu sheegay inay UNHCR diyaar u tahay inay sii wadaan inay Maamulayaasha iyo Bulshadad Rayidka ee dalka Giriigga kala shaqeeyaan arrimaha Qaxootiga, wuxuuna ku baaqay in loo baahan yahay inay Dowladaha Midowga Europe taageero badan ka geystaan si looga hortago dhibaatadda Aadminimo ee ku soo fool leh Qaxootiga ku soo qulqulayo Giriigga.
Sannadkan oo keliya. In ka badan 55,000 qaxooti u badan Somali, Eritrea, Syrian iyo Afrganistan ayaa soo gaaray dalka Giriigga iyagoo soo maraya dhinaca Badda ee dalka Turkiga.
 © Warqabadka Dalsan Radio