Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa la sheegay in laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowaldda Soomaaliya in ay ku dileyn xaafad ka tirsan degmada Howl-Wadaag ee Magalada Muqdisho.
Askarta oo gaaraya lab ayaa wax ay ka tirsanaayeen Ciidamada Canshuurta qaada ee loo yaqaano Minashiibiyo,waxana la sheegay in xilliga la dilayey ay ku sugnaayeen Xaafada Barmuudo ee degmada Howl-Wadaag.
Goobjoogayaal ayaa wax ay Dalsan u sheeegen in labada askari ee la dilay uu mid ka mid ah watay qoriga AK47 isla markaana raggi dilkaasi kad ambeeyey ay goobta ka baxsadeen.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa ku dhow Xarunta degmada Howl-Wadaag ee Gobolka Banaadir,waxana halkaasi gaarey Ciidamo ka tirsan kuwadowladda Soomaaliya kuwas oo sameeyey howlgal wallow aysan jirin cid ay dilkaasi u qabteyn.