Boliska dalka Shiinaha iyo Afhayeenka Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Bejing ayaa sheegay in ninka dhaawacmay uu ahaa Ninkii watay Qaraxaasi, kaasi oo la sheegay inuu gacanta ka dhaawacmay.
Websaytka Waaxda Boliska maagaalladda Bejing ayaa waxa magaca Ninka la qabtay ku soo koobeen Jiyang, kaasi oo 26-jir ah, kana soo jeeda magaalladda Tongliao oo ka tirsan Maamul-hoosaadka Gobalka Mongolia ee Shiinaha.
Boliska waxay sheegeen inuu qaraxaasi ahaa Bamka guryaha lagu farsameeyo, waxayna Boliska bilaabeen Baaritaan ku aadan Dhacdadaasi.
Dhinaca kale, Afhayeenka Safaaradda ayaa sheegay inaysan waxyeello soo gaarin Shaqaalaha iyo Hantida Safaaradda, isla markaana ay Hawlaha Safaaradda si caadi ah u socdaan.