Khilaafkaan ayaa yimid ka dib markii habeen ka hor Ciidamada Kenya ay dileyn laba ka mid ah Shaqaalaha shirkada Isgaarsiinta hormuud ee degmadaasi Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq Sahal Macalin Aadan oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in khilaafkaas uu ka dhashay xasuuq maalin walba ay Ciidamda Kenya ku hayaan Shacabka degmada iyo deegaanada kale ee gobolka Gedo.
Waxa uu sheegay in si arxandaro ah ay u dileyn ciidamada Kenya laba ka mid ah Shaqaalaha Shirkad Hormuud,isla markaana tacadiyada ay Shacabka u geysanayaan ay yihiin kuwo sii kordhaya.
Tan iyo Sanadkii 2012 ayuu sheegay markii Ciidamada soo galeen gobolka Gedo in ay dileyn in ka badan 50 qof oo Shacab ah,waxa uuna ugu baaqay Madaxda Sare ee dowladda,Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in ay Ciidamada Kenya kala hadlaan dhibaatooyinka ay ku hayaan Shacabka Gobolka Gedo.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Ceel-waaq