Dowladda Sudan ayaa sheegtay inay marti-gelinayso Madaxda Is-khilaafsan ee dalak Koonfurta Sudan, si ay u saxiixaan Heshiiska ay ku wadaagi doonaan Awoodda.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan. Al-Dirdiri Mohamed Ahmed ayaa sheegay inay casuumaad u direen dhamaan Madaxad Dowladaha xubnaha ka ah IGAD si ay uga so oqeyb galaan Saxiixa Heshiiskaasi oo bishan July 27-da, kuna beegan Khamiista soo socota ka dhici doonta caasimadda Sudan ee Khartoum.
Xarunta Warbaahinta Sudan ee SMC ayaa sheegtay in qorshaha saxiixu ahaa inu udhaco bishan July 19-dii, balse saxiixa ayaa dib loo dhigay, kadib, markii ay Dowladda Koonfurta Sudan sheegtay inay waqti dheerΓΒ u baahan yihiin si ay La-tashiyo u sameeyaan.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Sudan waxay tan iyo bishii hore ee June 25-da ku hawlanayd Marti-gelintaΓΒ Wada-xaajoodka Tooska ee Dowladda Koonfurta Sudan, Kooxaha Hubeysan iyo Wakiilo ka kala socday Kooxaha Mucaaradka ee Koonfurta Sudan.
Bishii June 27-dii, Madaxweyneha Koonfurta Sudan, Salva Kiir iyo Hoggaamiye-kooxeedka Riik Majar waxay wada saxiixdeen Heshiis Xababd-joojin iyo Xilliga Kala-guurka oo 120 maalmood ah.
Dalka Koonfurta Sudan waxay dhibaato la daalla dhacayey tan iyo bishii December ee sannadkii 2013-kii, kaasi oo u dhexeeya Madaxweynaha dalkaasi,ΓΒ Salva Kiir Mayardit iyo Ku-xigeenkiisii hore, Riik Majar.