Warar dheeraad ayaa waxa ay soo baxayaan Weerar Qaraxyo ku bilowday oo aroortii hore ee saakay Al Shabaab ay ku  qaadeen Saldhig Ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar
Ilo xog ogaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in deegaanka Baar Sanguuni ay gaareen  Wafdi gurmad ah oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Saraakiil iyo Ciidamo hubeysan oo ka baxay Magaalad Kismaayo,waxaana la sheegayan in ay caawin doonaan Ciidamada ku sugan Baar Sanguuni ee la soo weeraray.
Dhinaca kale Dagaalyahanada  Al Shabaab ayaa sheegay in weerar ay kula wareegeen Saldhigii ay Ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland ay ku lahaayeen deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose .
Xaalad kacsanaan ah ayaa waxaa hada laga dareemayaa Deegaanada Baar Sanguuni iyo deegaana ku dhow dhow,iyadoona labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamaya ay kala gaarayaan gurmad Ciidan.