Dilka Darawalka Mooto Bajaajta ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Macmacaanka ee degmada Dharkenley Gobolkan Banaadir,waxana la sheegay in uu ka dambeeyey Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in askariga iyo Darawalka mooto bajaajka uu markii hore muran dhexmaray  taas oo keentay in askriga uu dhowr xabadood ku dhufto Darawalka mooto Bajaaj,isla markaana sidaasi uu ku geeriyooday.
Sidoo waxa uu goobjoogaha sheegay in goobta uu falka ka dhacay ay soo agareen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,kuwas oo dilay askarigii dilka u gesytay Darawalka Mooto Bajaajta,in kastoo weli warar madax banaan oo xaqiijinaya aan la helin.
Dilalka Darawalada Mooto bajaajta ayaa waxa ay Muqdisho ka yihiin joogto,waxana weli laamaha amniga Soomaaliya aysan jirin cid ay u soo qabteen dilalkaas oo badnkood ay geystaan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Qofka Goobjoogaha.