Hay’adaha ammaanka degaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Saddex nin oo ay sheegeen inay soo dhaceen Xoolo nool, oo dad shacab ah ay lahaayeen.
Raggan iyo xoolaha ay soo dhaceen ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay xarunta degaanka Garasbaaley, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Gudoomiyaha cusub ee Garasbaaley Ibraahim Maxamed Rooble iyo Ku-xigeenkiisa Cali Xasan Cali.
Hawlgalka raggan lagu soo qabtay ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Booliska Garasbaaley C/laahi Axmed Cali Fanax, waxaana xoolaha ay yihiin 19 neef oo Arri ah iyo Laba Dameer.
Gudoomiyaha Garasbaaley Ibraahim Maxamed Rooble oo warbahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in xoolahan meelo kala duwan laga kala keenay, wuxuuna dadka xoolahan leh ku wargeliyay in xoolahooda oo ammaan ah ay ugu imaan karaan maamulka Garasbaaley.
Guddoomiye Ibrahim ayaa shacabka Garasbaaley uga mahadceliyay sida ay maamulka ugala shaqeeyeen hawshan, isaga oo sidoo kale ku ammaanay Hay’adaha ammaanka shaqada ay qabteen.
“Sida aad aragtaan maanta halkan waxaa noo jooga xoolo nool oo 19 neef oo Arri ah iyo Laba Dameer oo laga soo xaday dadkii lahaa, xoolaha qaarkood waxaa laga keenay meelo kala duwan, hawshan waxa qabtay ciidamada amniga oo uu hoggaaminayo Taliyaha Booliska, waxaan umahadcelinayaa shacabka iyo ciidamada amniga, dadka iska leh xoolaha waxaan leeyahay xoolihiina gacan ammaan ayay adin kugu jiraan, waxaadna kala xiriiri doontaan Hay’adaha ammaanka, eedeysanayaasha waxay ku jiraan gacanta Hay’adaha amniga sharciga ayaana la marsiin doonaa.†Ayuu yiri Guddoomiyaha Garasbaaley.
Ibraahim Maxamed Rooble, Guddoomiyaha cusub ee Garasbaaley ayaa 17-kii bishan wuxuu la wareegay xilka guddoomiyenimo, kadib markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore (Garyare), wuxuuna laba jibaaray hawlaha ka socda degaanka.