Waxaa goordhow Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ka biloowday Banaanbax,kaas oo ay dhigayaan boqolaal Shacab Ah oo ka careysan dilka ka dhacay halkaasi.
Banaanbaxan ayaa yimid kadib markii maanta kaaraan lagu dilay mid kamid ah darawala wadda gaadiidka ka shaqeeya Muqdisho,iyadoona la sheegay in loo dilay darawalka saddex kun oo shilin soomaali ah markii uu diiday in uu dhiibo.
Dad goobjoogayaal ah ayaa dalsan u sheegay in darawalka la dilay iyo askariga dilka geysatay uu muran soo kala dhexgalay kadibna uu toogtay,waxaana goobta ka baxsaday askarigii ka dambeeyay dalka.
Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magalaada muqdisho ku soo badanaye dilaka loo geysto darawalada wadda gaadiidka ka shaqeya Muqdisho.
Goordhow la socda Sawirada Banaanbaxa.