Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo fulinaya amarka Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Mohamed Jaamac ayaa maanta howlgal lagu soo aruuriyay dhalinyaro waxyaabaha maanka dooriya isticmaalayay oo gaaraya 25 ka sameeyay Isgoyska Celgaabta iyo Suuqa Xamar wayne, si daryeel iyo xanaano loogu sameeyo .
Dhaqan celinta iyo daryeelka Carruurta aan cidna ku tiirsanayn waa mid ka mid ah waajibaadka uu u xilsaaranyahay Taliska Asluubta Soomaaliyeed,sida uu sheegay Taliyaha ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Mohamed.
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa hadda daryeel iyo waxbarasho siiya ku dhawaad 500 oo Carruur ah oo ku jira xarumo kale duwan oo dalka ah.
Wadooyinka iyo Isgoysyada Waaweyn ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayye dhalinyaro iyo dad waaweyn oo isticmaalaya waxyaabaha maanka dooriya,kuwaas oo loo yaqaano Darbi-jiif.