Yuhuudda iyo XAMAAS ayaa lasheegay inay Waaberigii hore ee maanta wada gareen Heshiiskaasi, oo ay ka soo shaqeeyeen Dowlad Masar, QM iyo dal kale oo aan la magacaabin.
Afhayeenka XAMAAS , Fawzi Barhuum ayaa sheegay inay dadaal QM iyo mid Caalami ah keenay in la gaaro Xabbad-joojintaasi.
Dhinaca kale, Askarta Yuhuudda waxay shalay toogasho ku dileen Falastiini la oran jirey Maxamed Shariif Badwaan ah oo ka qeyb galayey Dibadbaxyo shalay ka dhacay Marinka Qasa, meel ku dhow Xuduudka Yuhuudda, iyadoo 120 kale oo Falastiiniyiin ah lagu dhaawacay Dibadbaxaasi.
Sidoo kale, Askari Yuhuudi ayaa la sheegay in xalay toogasho lagu dilay Marinka Qasa, iyadoo ay XAMAAS sheegatay dilkaasi oo ay kaga aar-gudanayeen 3 ka tirsan XAMAAS oo shalay ay Askarta Yuhuudda dileen.