Kooxo hubaysan ayaa sargaal ka tirsan ciidamada Dowladda fedraalka Soomaaliya waxa ay ku dileen degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho,Waxaana dilkaan uu ka dhacay meel ku dhow xarunta degmada.
Sargaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Carte Siyaad waxana uu ka tirsanaa waxaada Canshuuraha ee maamulka degmada Hiliwaa,iyada oo kooxaha dilka gaystay ay goobta iskaga baxsadeen.
Dilkaan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay Xaafadda Waxara Cadde,Wararka qaarna waxa ay sheegayaan in Sargalka dilka loogaystay xiligaas in uu watay gaari nooca raaxada ah.