Warar aanu helnay ayaa sheegaya in Taliyihii Saldhiga Degmada Qardho ee maamulka Puntland Abshir Mohamed Abaas uu manta ka tegay xilkaas kadib markii uu ku dhawaaqay in uu is casilay.
Taliyaha oo aan la xiriiray ayaa inoo xaqiijiyay is casilaadiisa,Waxaana uu diiday in uu ka bixiyo faah-faahin iscasilaadiisa isaga oo ka gaabsaday in uu shaaciyo waxa sababay iscasilaadiisa.
taliyaha aya wararku waxa ay sheegayaan in dalbaday in uu sii wado shaqada balse waxa uu sheegay in uusan ka laabanayn goaanka uu qaatay. Abshir oo mudo sanad iyo ka badan shaqadaan hayay ayaa aad loogu xasuustaa xiriirka wada shaqayneed ee kala dhaxeeyey bulshada iyo wax ka qabashada arimaha amniga iyo tayaynta ciidamada policeka. Abshir Mohamed Abaas ayaa ahaa nin dhalinyar ah  waxaana uu ahaa nin Firficoon.