Gudoomiyaha degmada Buula-Burde ee gobalka Hiiraan Cabdi Daahir guurre oo la hadlay Idaacda Dalsan ayaa sheegay in qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda magaalada Buula-Burde in ay kulan la yeesheen Al-shabaab.
Waxa uu sheegay Gudoomiyuhu in kulanka dhex maray Odayaasha iyo dhaq-dhaqa Alshabaab looga hadlay sidii Odayaashu ay u keeni lahaayeen dhalinyaro u dagaalanta Shabaab isla markaana looga wacay Odayaashaan deegaanada ay ka taliyaan Dagaalyahana Al-shabaab.
Dhinaca kalana Gudoomiyaha ayaa uga digay Odayaasha in ay u hogaansamaan Awaamiirta Al-shabaab,Isga oo faray in aysan mar kale la kulmin dagaalamayaasha Shabaab maamulkana ay kala shaqeeyaan Hormarka deegaanka.