Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCUD Faysal Cali Waraabe oo ka qaybgalay Shirkii dhawaan lagu soo gunaanaday magaalada Brossels  ee dalka Belgium-ka ayaa ka hadlay arimo badan oo u quseeya Soomaaliya.
Faysal Cali Waraabe oo lahadlay Warbaahinta aya ka hadlay dagaalka u dhaxeeya Soomaaliland iyo Puntlan ee ee dhowr jeer ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool,Waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu kala hadlay dagaaladaas iyo cidda masuulka ka ah.
Waxa uu shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Soomaaliya uu uu weydiiyay in isagu uu masuul ka yahay dagaladaas haseâ€ahaatee uu ugu dhaartay in uusan lug ku lahayn,Dhinaca kalana Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Soomaaliland aya diyaar u watahay in wada hadal laga galo dagaaladaas.
Halkaan Ka Dhagayso Codka