Ciidamada Ammaanka dalka Masar ayaa howlgal ay sameeyeen xalay waxa ay ku xir xireyn dhowr qof oo Soomaali ah kuwaas oo isugu jira Odayaal iyo Arday.
Dadka Soomaalida ah ee la xir xirey oo gaaraya ilaa 6 ruux ayaa laga qabtay Xaafada Xayil Caashir ee Degmada Nasri City,waxaana la sheegay in Ciidamadu ay durba geeyeen Xabsi ku yaalla Xaafada Caashir.
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga dalka Masar ayaa waxa ay sheegeen in dadkaan ay qabteyn ay baaritaano ku sameyn doonaan,isla markaana qofkii aan heysan sharci loo soo tarxiili doono dalkooda Soomaaliya.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidamada dalka Masar ay xabsiga dhigeyn dhowr qof oo Soomaali ah,kuwaas oo badankood la sii daayey ,iyaga oo watay kaarar aqoonsiga qaxootinimo halka kuwii sharcidarrada ku joogay Soomaaliya loo soo tarxiilay.