Dhacdadaan layaabka leh ayaa waxa ay Maanta ka dhacay Xaafada Kaawa-Godeey dhinaca degmada Dharenleey ee Gobolkaan Banaadir.
Falkan Gowraca ah ayaa la sheegay in uu geystay Nin dhimirka ka xanuunsanayey oo mararka qaar uu xanuun daran kusoo kici jiray taas oo keentay in Walaalkiis oo ka weeynaa uu Maanta toorey ku gowraco.
Mid ka mid ah dadka deriska la’ah qoyskaas ayaa waxa ay Dalsan u sheegtay in Wiilka xanuun sanayey ee gowracay Walaalkiis uu markii hore dhowr meel kaga dhuftay tooreyda, ka dib markii awoodii ay ka yaraatay uu gowracay.
Ninka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Xuseen Ibraahim halka Walaalkiisa dilay isna lagu Magacaabo Nuur Ibraahim,isla markaana uu baxsaday.
Dhinaca kale taliyaha Saldhiga booliska degmada Dharkenley Gaashaanle Dhexe Khaliif Cabdulle oo la hadlay dalsan ayaa sheegay in ay tageen halka falkasi uu ka dhacay,isla markaana loo sheegay in ruuxaasi uu baxsaday ayna ku raad joogaan.
Dhacdooyinka ku saabsan dadka walaalaha ah ee isdilaya ayaa bilihii u dambeysay kusoo batay Magalada Muqdisho,waxana todobaadkii hore suuqa Bakaaraha uu nin kale walaalkiis roorey ku dilay ka dibna uu baxsaday.
Hoos Ka Dhageyso Codka Qof ka mid ah dadka ku nool Xaafada Kaawa-Godeey.