Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi waxay soo saartay Hadal-qoraal oo ay ku cambaaraysay weerarkii iyo qaraxyaddii ay Alshabaab shalay ka geysteen magaalladad Muqdisho.
Qoraalka waxaa lagu xusay inay Dowladda Turkiga si xooggan u cambaaraynayso Qaraxyadaasi oo ay sheegtay in lagu soo beegay Shirweynaha looga hadlayo Somalia ee bishan July 16-da ilaa 17-da ka dhici doona Caasimadda dalka Belgium ee Brussels.
Qoraalka Turkiga waxaa kaloo lagu xusay in Weeraradda Alshabaab looga dan leeyahay in lagu burburiyo dadaalka ay DFS iyo Beesha Caalamka ugu jiraan Deganaanshaha Somalia.
Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga  waxay sheegtay inay Dowladda Turkiga si iwadi doonto Taageeradda Buuxda ee ay siiyaan Somalia, si loo gaaro Nabadda iyo Horumarinta somalia.
Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weeraradii iyo qaraxyaddii shalay ka dhacay meel ku dhow Madaxtooyadda, waana weerarkaasi ku soo beegmay kii ay Alshabaab Sabtidii hore ku qaadeen Xarunta Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo ku taaalla Dhismaha Otto Otto ee Isgoyska Sayidka ee magaalladdan Muqdisho.