Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay is-fahamka ay gaareen dhinacyada Galmudug oo maalmahan u joogay magaalada Muqdisho xal u helista khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jiray.
Madaxweynaha ayaa yiri “Keddib wada-tashiyo aan la yeeshay dhinacyada ay khuseyso dib-u-heshiisiinta Galmudug, waxaan xalay ka gaarnay natiijo wax ku ool ah oo u adeegeeysa danta guud, taas oo ku timid isu-tanaasul iyo is-qancin.â€
“Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan madaxda Galmudug sida xilkasnimada leh ee ay u soo dhaweeyeen qorshihii aanu hordhignay kaas oo uu aasaas u yahay dhaqan-gelinta heshiiskii ka koobnaa 14ka qodob ee ay kula saxiixdeen Villa Soomaaliya 6dii Diseembar, 2017.â€
Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in madaxda Galmudug ay wax walba ka hormariyaan danta guud, ayna muujiyaan masuuliyad dheeri ah si loo dardargeliyo dib u heshiisiinta Galmudug, shacabkana loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.
Madaxda Galmudug ee ka qeyb gashay wada hadalladan ayaa soo dhaweeyay tubta ay u jeexday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu soo afjarayo khilaafaadka siyaasadeed ee bilihii u dambeeyay taagnaa, waxaana la isla meel dhigay in hawsha lagu dhammeystiro magaalada Dhuusamareeb.