Saxafi u dhashay dalka Australia oo soo dhaweeyey hawlgalkii lagu soo qabtay mid ka mid ah Afduubayaashii Suxufiyiinta.
Sawir-qaadihii hore ee Wargeyska Bundaberg News Mail, Nigel Brennan ayaa soo dhaweeyey wararka sheegayo inay Boliska dalka Kanada dacwad ku soo oogeen nin lala xiriirinayo afduubkii isaga iyo Saxafiyad u dhalatay dalka Kanada loogu geystay duleedka magaalladda Muqdisho.
Nigel Brennan iyo Saxafiyadda Kanadiyaanka ee Amanda Lindhout ayaa laga qafaashay duleedka Muqdisho sannadkii 2008-dii, waxaa afduub ahaan loo haystay muddo 15 bilood ah, ka hor inta aanรย lacago madax-furasho ah lagu sii daynin sannadkii 2009-kii.
Nigel Brennan waxa uuu bartiisa Twitterka soo dhigayรย Qabashadda Eedeysanaha inay ku noqotay war uu la-yaabo, isla markaana ay ugu dambayntii Caddaaladdu shaqeysay.
Sawir-qaadahaasi u dhashay dalka Australia waxa kaloo uu soo tweet gareeyey inay Dowladda Kanada, Boliska iyo Wakaalladda Wararka ee AFP qabteen hawl aan macquul ahayn si loo soo xiro Ali Omar Adeer oo loo yaqaano Aadan.
Nigel Brennan waxa uu ka cuddur-daartay inuusan Saxaafadda la hadli karin muddada ay socota baaritaanka dacwaddaasi.
Dhinaca kale, waxa uu ku eedeeyey WaaxdaArrimaha dibedda ee Australia inay soo dhiibaan Warbixinta Qandaraaslayaasha Ammaanka ee ay Familkiisa kireysteen muddadii afduubka loogu haystay Somalia.
Hadalkiisa ayaa soo baxayรย iyadoo ay Hayรขโฌโขaddaha Ammaanka ee dalka Kanada ku guuleysteen inay soo qabtaan mid ka mid ah Eedeysanayaashii Afduubkaasi oo lagu magacaabo Ali Omar Adeer.
Eedeysanaha oo 37 jir ah waxa uu haatan ku xiran yahay Xabsi ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Ottawa.